Dabley hubeysan oo aan haybtooda la garanaynin ayaa weerar ku qaaday dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Libya ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Illo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in dableydan ay u suuro gashay inay galaan dhismaha wasaaradda. Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay goobta, waxaana halkaasi cirka isku shareeray qiiq iyo uuro madoow oo ka dhashay qaraxa.

Weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof, balse ma kala cadda cidda fulisay weerarka. Horraantii sannadkan, labo weerar oo noocan oo kale ah ayaa lala beegsaday xarunta guddiga doorashooyinka iyo xarunta shirkadda shidaalka qaran, waxaana sheegtay kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay