CWXO  ayaa  weerar ay cadawga ku qaadeen ku gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo siugu jira naf iyo maal. Weerada ay CWXO ku qaadaan cadawga ayaa isugu jira dhabagal iyo habab kala duwan oo ka mid ah dagaal galinta naftood-hurayaasha.

Ciidanka jabhadda oo si dardar ah u waday hawlagadii uu ku qaadayay cadawga  bilihii March iyo April  ayaa waxay ka soo hooyiyeen guulo waawayn.

Dhianaca kale cadawga ayaa laga dareemayaa inuu u muuqdao mid sii daciifay moral ahaan iyadoo la arkayo khilaaf xoogan oo ka dhex muuqda ciidamada cadawga.

Dagaaladii aan helnay warbixintooda oo maalmihii ugu danbeeyay ay qaadeen CWXO ayaa waxay kala dhaceen sidan;  

23/4/12  dagaal kamiin ah oo loo galay kolanyo gaadiid ah oo maraysay  meesha loo yawaan Sagalada  oo ka tirsan degmada qabri-bayax waxaa halkaa cadawga lagaga gubay hal baabuur iyo dhamaan ciidankii saaraa.

21/4/12  Dhabilay oo ka tirsan deegaanka Galaalshe  dagaal ka dhacay waxaa ciidanka  cadawga  lagaga dilay  2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla maalintaa galinkii danbe dagaal ka dhacay meesha loo yaqaan  god-libaax oo ka tirsan galaalshe ayaa cadawga waxaa ka soo gaadhay khasaare  aan laga hayn  wax faahfaahin ah

22/4/12 dagaal ka dhacay  caleemalay oo  ka tirsan  degaanka bambaas  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari waxaana looga dhaawacay 2 kale

Dagaaladan ayaa waxay daba socdaan hawlgaladii ay CWXO ku burburinayeen ciidanka cadawga  ee ku sugan dalka Ogaadeenya.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay