Shirweynihii Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeeniya ee Sanadlaha ahaa oo Kenya ka Furmay.

Magaalada Nairobi waxaa maalmahan ka socoday qaban qaabada shirweynihii jaaliyadaha Ogaadeeniya ee Kenya,Shirkan oo ah mid sanadkiiba mar dhaca ayaa lagu qabtaa mid kamid aha magaalooyinka dalka Kenya sida Dhadhab,Garissa,Nairobi ama ,Bambasa.

Shirweynaha Jaaliyadaha ee sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayebgala ergooyin ka kala yimaada jaaliyadaha wadamada bariga Afrika waxana wax lagaga badalaa xeerka jaaliyadaha laguna dhisaa maamulka guud ee dalada Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee Bariga Afrika sidoo kalena waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadkii Jaaliyadaha ee sanadkii maamulka ka dhamaaday.

Waa markii oogu horeysay ee shirkan lagu qabto caasimada Nairobi waxaana sidoo kale shirka sanadkan ka qayeb galaya mas’uuliyiinta hay’adaha shaqooyin ka duwan kuwa jaaliyadaha ka qadan wadanka sida xubno ka socoda Hay’adaha Samofalka iyo kuwa Xuquuqul insaanka.

ONA /Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay