War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xadka u dhexeeya Oromiya iyo Benishangul Gumuz aan loo safri karin arimo amniga la xidhiidha awgood.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in deegaamo badan oo kamid ah Bariga iyo Galbeedka Gobolka Wallega ee Kililka Oromiya ay xasilooni darro dhanka amniga ah ka jirto. Sidoo kale ayaa qoraalkan lagu xusay in xadka ay wadaagaan Oromiya iyo Benishangul Gumuz aad looga dayrinayo.

Safaarada ayaa sheegtay in ay isha kuhayso hadba sida uu wax isu badalayo iyo iyo qalalaasaha kasocda guud ahaan Itoobiya gaar ahaan deegaamadan aan kor kusoo xusnay. Safaarada ayaa dadka Maraykanka ah ee deemaadan jooga ugu baaqay in ay aad utaxadaraan isla markaana ay kafogaadaan goobaha ay dhibaatooyinku kajiraan, waxayna safaarudu dadka dhalashada Maraykanka haysta kulatalisay in ay guryahooda joogaan.

Sidoo kale safaarada ayaa dadka Maraykanka ah usheegtay in ay safaarada soo wargaliyaan hadii ay wax khatar ah dareemaan si loobadbaadiyo nafdooda iyo maalkoodaba.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay