Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya haysatoee, deegaanka Soomaalida oo la’aaminsan yahay inuu yahay deegaan intiisa badan shidaalka noocyadiisa kala duduwan ceeyaago, meela badan oo kamid ahna laxaqiijiyay in uu ku jiro gaas ka dabeeciga ah iyo saliida caydhiin halka goobaha kalana baadhitaan laga wado.

Itoobiya ayaa ku hawlan sidii loo soo dadajin lahaa ka faa’iidaysiga shidaalkan laga helay dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeniya muddo labo sano gudeheed ahna la bilaabo dhoofinta shidaalka.

Shidaalkaas ayaa lagu dhoofin doonaa tuubooyin ama dhuumaha shidaalka qaada, kuwaas oo kasoo qaadaya ceelasha shidaalka ee Jeexdin/Calub, Elele ee gobolada Qoraxay iyo Shabeele kadibna gaynaya xarunta Jabuuti oo laga sii dhoofin doono.

Masaafada dhuumahani sii dhex marayaan oo aha 800 km ayaa ubaahan in lasugo amnigooda, lagana ilaaliyo cid kasta oo isku dayda inay waxyeelayso dhuumahaas dhulka lagu aasayo ee shidaalka gudbinaya. Sidoo kale waxay ubaahan yihiin dhuumahaasi in si dhow loola socdo bad qabkooda si degdeg ahna looga jawaabo hadiiba uu ku yimaado wax cilada (qarax, dilaac ama qaradh sababa inuu shidaalku daato).

Hadaba si taa looga gaashaanto ayay Wasaaradaha Macdanta Gaaska Dabeeciga ah iyo shidaalka iyo wasaarada Hal’abuurka iyo Technology ga oo iskaashanaya ayaa udiyaariyay aalada casriga ah ee looyaqaano “Drown” ta oo si joogta ah u dul heehaabi doona dhuumaha shidaalka sida.

Masuuliyiinta labadaa wasaaradood oo warbaahinta Itoobiya ka hadlay gaar ahaan business program ka kahadlay labo maalmood kahor (25/12/2018) ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkad dalka China laga leeyahay oo ah kuwa saldhigyada hawada ah (space) kaasoo usuurto galin naya in lagula socdo xaalada dhuumaha shidaalka aaladan drown ta, taasoo lagu ogaan karo leakages xitaa haday sameeyaan dhuumahaasi.

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa boqolkiiba 35 – 40 (40%) la filayaa inuu ka iman doono dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato (lacagta kasoo xaroon doonta dhoofinta shidaalka Deegaanka soomaalida) dhowr sano kabacdi.

Daraasaad lagu sameeyay saamaynta mashaariicda baadhida iyo soo saarida shidaalka iyo dhuumo galinta ay ku leedahay bay’ada sanadkii 2017 ka cinwaankeeduna ahaa “Environment and social impact assessment of Poly-GCL Natural gas pipeline across Ethiopia” ayaa qeexaysa inay jiraan saamayno halis ku ah caafimaadka dadka, duunyada iyo deegaankaba una baahan in si deg-deg ah wax looga qabto hadii kale cawaaqib xumo wayn keenaysa.

Warbixinta daraasaad kaas ayaa aad ugu dhaliishay kambaniga Poly-GCL iyo dawlada Itoobiyaba qaabka dhayalsiga iyo xilkasnimo darada ah ee ay u maamuleen hirgalinta mashaariicdan kuwaasoo meelo badan ka hoos dhacay hal beeyada caalamiga ah ee “Environmental and social impact assessment” ga.

Warbixinta daraadaas oo ka kooban 461 page ayaa hadaad akhrido walaac badan kugu beeri runtii, maadaama aad ku arkayso xaalado badan oo halis ku ah caafimaadka bulshada deegaanada shidaalka laga qodayo/laga soo saarayo.

Sadex maalmood kahor uun bay ahay markuu MW Deeganka Sooomalida kala xaajoonayay wasiirka macdanta iyo Shidaalka Itoobiya Dr. Samuel Urqaato arimahaas aan kor ku soo xusnay iyo sidii la isaga kaashan lahaa kor uqaadida ka faa’iidaysiga sector ka macdanta iyo shidaalka.

Ugudambayn waxaan leenahay xukuumada iyo aqoonyahanka deegaankuba ha uqaataan qorshe si cilmiyaysan loogu ogaanayo saamaynta iyo waxyeelada bay’ada ee mashaariicdaasi, xuquuqda inagaga maqan (dhanka shaqo abuurka mashaariicdaasi, magdhowgii bulshada aagaasi xaqa ulahaayeen, iyo nidaamka saami qaybsiga heerar kooda kaladuduwan) iyo sidii aan qayb uga noqon lahayn miiska go’aanada kusaab san shidaalka lagu go’aaminayo ee heer fadaraal.

 

W/Q: Shafici Dahir Muse

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay