Sida ay kusoo waramayaan ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo xidhiidh lasoo sameeyay Wakaalada wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in dagaal culus oo deegaanka Guji ee Gobolka Oromiya ku dhex maray ciidanka Itoobiya iyo jabhada Xoraynta Oromiya ee OLF.

Warkan ayaa intaas ku daraya in dagaal aad u culus oo Galbeedka Gobolka Gujji gaar ahaan magaalada Fanche uu ka qarxay. dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa Ciidanka dawlada Itoobiya iyo Jabhada OLF. Warkan ayaa waxaa kale oo uu sheegayaa in khasaare balaadhan uu ka dhashay balse aan wax faah faahin ah oo badan laga haynin.

Wixii faah faahin ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad ka heli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay