Waxaa maalmahan magaalada Dirdhebe ee Gobolka Siti kusugnaa wafti balaadhan oo kasocday Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada (SCF).

Waftiga oo isugu jiray labada urur ee Isbahaysiga ah ee JWXO iyo SARDA ayaa siwayn loogu soodhaweeyay magaalada Dirdhebe halkaas oo dadwayne aad utiro badan ay ay soodhawaynta waftiga isugu soobaxeen.

Xubnaha waftiga ayaa dadwaynaha ree Dirdhebe siwayn ula hadlay iyagoo ugudbiyay fariinta uu Isbahaysigu wado ee ah midnimo wada jir iyo ismaqal, taas oo ahayd fariintii ay JWXO ugudbinaysay shacabka Soomaalida Ogadenia.

Xubnaha waftiga oo kakoobnaa saraakiil sarsare oo Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada (SCF) ayaa mari doona dagmooyinka uu kakooban yahay Gobolka Siti, iyagoo dadwaynaha kula hadli doona meelo fagaare ah.

Sidoo kale waftiga ayaa lakulmay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka. kuwaas oo dhamaantood soodhaweeyay socdaalka waftiga.

Wixii kasoo kordha waftiga Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada SCF ee Gobolka Siti kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay