Waxaa maalmahan magaalada Diridhabo ee Gobolka Siti kusugnaa wafti balaadhan oo kasocday Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada (SCF).

Waftiga oo isugu jiray labada urur ee Isbahaysiga ah ee JWXO iyo SARDA ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada Diridhabo halkaas oo dadwayne aad utiro badan ay ay soodhawaynta waftiga isugu soobaxeen.

Waftigan oo ku guda jira kormeerkii Gobalka SITI oo maanta la kulmay qaar ka mid Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Diridhabo. Kormeerkan oo waftigu uu ku soo kala bixin doono dhamaan Gobolka Sitti ayaa lagu wadaa in shacabka ku dhaqan Sitti la gaadhsiiyo fariinta dhabta ah ee Isbahaysiga iyo mustaqbalka shacabka Soomaalida Ogadenya guud ahaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay