Donald Trump, Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay in muddo 4 bilood ah dib loo dhigay xiliga ciidamada Maraykanka laga saarayo wadanka Suuriya, go’aankaasi oo uu bishii hore ku dhawaaqay ayaa waxaa si weyn uga hor yimid xisbigiisa iyo Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka.

Go’aankan ayaa waxaa sidoo kale ka hor yimid taliyayaasha Militariga Maraykanka ee ku sugan Suuriya iyo Ciraaq oo sheegay inay talaabadan dib u dhac ku keeni doonto guulihii uu Maraykanku ka gaadhay la dagaalanka ISIS oo ay gacan ka siinayeen xoogaga kurdida ee ku sugan waqooyig dalka Suuriya.

Waxaa isagu xilka iska casilay taliyihii Maraykanka u qaabilsanaa la dagaalanka ISIS ee Suuriya iyo waliba Wasiirkii Gaashaandhiga Maraykanka James Mattis oo isaguna si lama filaan ah xilka uga tagay. Wadahadal dhexmaray qaar kamid ah Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Jamhuuriga iyo Trump ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyey in muddo 4 bilood ah lasiiyo ciidamada Maraykanka ee Suuriya oo aan halkaasi si deg deg leh looga saarin.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale ku soo beegmaya kadib safarkii kadiska ah ee uu Trump todobaadkii hore ku tagay taliska Militariga Maraykanka ee Ciraaq, halkaasi oo ay saraakiisha ku sugan ka codsadeen in uu dib uga noqdo go’aankiisa.

Ka bixitaanka Maraykanka ee Suuriya ayaa waxaa horey usoo dhaweeyey Turkiga iyo Ruushka oo iyagu kala taageera dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi, Ruushka ayaa qorsheenaya in ciidamada Suuriya ee Bashar Al Assad la wareegaan qeybo kamid ah dhulka uu Maraykanka ka baxayo, halka Turkida laftoodu ay doonayaan inay awood u adeegsadaan Kurdida taageerada ka heli jiray Maraykanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay