Waxaa xalay shir dhinaca isgaadhsiinta ah isugu yimid xubno cusub oo kamid noqon doono hawlwadeenka Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA.

Hawlwadeenadan ayaa waxaa loo bilaabay siminaar 7-bari socon doono Inshaa Allah, kulankan ayaa waxaa furay Agaasimaha ONA Halgame Faysal Macalin Geedi wuxuuna xubnaha cusub uga waramay shaqada halgan ee looga baahan yahay xubnaha cusub isaga oo ka warbixiyay taariikhda iyo is badaladii kala duwanaa ee ay soo martay ONA.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa dhankiisa ka hadlay Ku xigeenka ONA Halgame Faysal Abdulaahi Hassan (Faysal shilaabo) oo dhankiisa xubnaha uga waramay shaqooyinka horyaala iyo siminaarada la siin doono oo noqon doono kuwa tayo leh haduu ilaahay yiraahdo.

Dhanka kale xubnihii cusbaa ee siminaarka loo furay ayaa dhankooda ka hadlay, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada xoojinta iyo dardar galinta hawlaha halganka ee looga baahan yahay. Iyaga oo balan qaaday inay carcar iyo dadaal horleh kusoo kordhin doonaan tayada iyo waxqabadka Wakaalada ONA.

Gunaanadkii iyo gabagabadii kulankan ayaa waxaa lagu soo xidhay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariim ka ah waxaana xubnaha loosoo xidhi doonaa siminaarkan oo ay shaqadooda bilaabi doonaa hadii eebe yidhaahdo 07/01/2019 ka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay