Waxaa la ogeysiinaya dhamaan bulshada somaliyeed iyo gaar ahaan shacabweynaha somalida Ogadeniya ee ku nool wadanka UK inay kasoo qeyb galaan banaanbax xoog badan oo shucuubta Geeska Afrika ay ku qaban doonto magaalada London Taariikhda 30 April oo ah Todobaadkan fooda innagu soo haya.

Waxaa lagu mudaharadaya Guriga Raisal Wasaaraha UK ee 10 Donining Street, West Minister London. Waxaana lagu muujinaya ama looga cabanaya Xasuuqa ay Taliska Ethiopia ku heyso Shacabka Somalida Ogadeniya, iyo waliba ummada Somaliyeed ee ay sida xaqdarada ah ku gasho dhulka xorta ah uguna xasuuqda maatida aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa looga soo horjeeda Xuduudaha Daggaalada ay ka oogayso sida Xuduudka Eritrea oo iyana intay gudaha u gasho ay ku xasuuqdo dad shacab ah.

Gumeysiga Ethiopia ayaa qowmiyadaha kale ee Ethiopia xasuuq iyo dhac iyo boob ku haya waxaana banaanbaxan dhamaan shucuubta Geeska Afrika ay kaga cabanayaan Taliska Woyanaha ee xasilooni darada ku haya geeska Afrika.

Hadaba fadkan kasoo qeyb gal banaanbaxan oo dhacaya 30/04/2012.

Jaaliyada Ogadeniya ee UK

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay