Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee Gobolka Nogob oo baryahan howlo muhiim ah Gobolka kawaday ayaa Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 02-Jan- 2019 si wayn loogu soo Dhaweeyay Tuulada Barmiil ee Degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.

Waftiga JWXO oo ay horkacayaan Masuuliyiin Gole Dhexe iyo masuuliyiin ka socda Xafiiska Jabhada ee Gobolka Nogob ayaa si aan kala hadh lahayn loogu soodhaweeyay Tuulada Barmiil.

Waftiga JWXO ayaa dadwaynaha magaalada meel fagaare ah kula hadlay iyagoo ugudbiyay fariinta guud ee JWXO oo ah midnimo iyo Xoriyad raadin, sidoo kale waftiga JWXO ayaa dadka uga warbixiyay marxalada cusub ee halganku uu galay.

Waftiga JWXO ee tuulada gaadhay ayaa shacabka uga mahad celiyay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen, waxayna shacabka ku amaaneen geesinimada iyo Dulqaadkii halganka ay usoo Muujiyeen.

Sidoo kale wax garadka Tuulada Barmiil ayaa Muujiyay in ay Dhankooda Diyaar uyihiin ka Qayb qaadashada Hawlaha Halganka Si Fir-Fircoon iyagoo ka mahad celiyay imaanshaha Waftiga iyo howlaha ay JWXO wado, kuwaas oo lagu Xaqiijinayo Xoriyada Ogadenia.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay