Maamulka Jaaliyada Ogadenia ee wadanka Canada  gaar ahaan gobalka Ontario ayaa  xalay shirkii caadiga ahaa isugu yimid  kaasi oo lagu gorfeeyay laguna kala warqaatay siyaasada Ogadenia iyo bariga  africa.

shirkan oo ka soo qabgaleen maamulada kala duwan ee magaalooyinka Ottawa , Kitchener iyo Toronto ayaa  waxaa xidhiidhinnayay  xidhiidhiyahay jaaliyadaha  Ogadenia ee bariga  Canada Halgame Mahamed Tuube.

Furitaan wacdi diini ah  kadib waxaa  war bixin laga dhageystay Halgame Mahamed Daah oo ah Gudoomiyahay Jaaliyada Toronto  ee Soomaalida Ogadenia oo isagu safar shaqo ku tagay gudaha Ogadenia. Warbixin dheer u halkaasi  kula wadaagay  xubnihii shirka  ka soo qabgalay,  kadib  waxaa  laguda galay qorshaha sanadka cusub ee 2019 u yaala jaaliyada Ogadenia ee  bariga Canada, Sida  dhaqaalaha , siyaasada iyo Abaabulka.

Falanqayn dheer oo saacado qaadatay waxaa laysu raacay in fadhiga laga koco xiliga kala guurka ah Hiil iyo hoona  lala garab istaago Madaxda iyo howl wadeenka ku sugana  gudaha Ogadenia sidii loo gaadhi lahaa rabitaanka shacabka Ogadenia, loogana midha dhaliyo wadadii dheerayd u soo baray Halganka Gobanimadoonka Shacabka Ogadenia ay hormoodka u tahay JWXO.

ONA.

Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay