Howlgal ay qaadeen ciidamada difaaca ee dalka Kenya ee KDF ayay ku sheegteen in ay ku dileen 7 xubnood oo kamid ah dhaqdhaqaa Alshabaab.

Wargeyska Daily Nation ee fadhigiisu uu yahay dalka Kenya ayaa baahiyay wareysi uu bixiyay afhayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya ee KDF oo lagu Magacaabo PM Njuguna kaas oo sheegay in howl-gal ka dhacay deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya lagu dilay xubnahan ka tirsan Alshabaab laguna dhaawacay tiro kale.

Wargeyska ayaa sidoo kale baahiyay wareysiga qeyb kamid ah oo sheegaya in dhaawac fudud uu howlgalkan kasoo gaaray labo askari oo ka tirsan ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Ciidamada dalka Kenya ayaa inta badan howlgalo ka fuliya gobolada Gedo iyo Jubooyinka iyadoona ay xiliyada qaar ay la kulmaan weeraro uga yimaada dagaalmayaasha Alshabaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay