Ka Runsheegida waayaha Noloshu ma aha mid ku baal marinkarta xaqiiqada dhabta ah

Biyo meel Godan ayay isagu yimaadaan!

Halganka shacabkeena Soomaalida OGADENIA wuxuu soo Maray marxalado kala duwan, iyadoo ujeedada rasmiga ah ay ka midaysnaayeen ee ah Helida xuquuqahooda lama dhaafaanka ah, ayaa hadana markaan taariikhda dib umilcsano waxaan tusaale usoo qaadanaynaa wadadii iyo Ururadii maamuuska iyo Qadarinta naga mudan waligoodba iyo dadaalkii baaxada lahaa ee ay soo bandhigeen xilliyadoodii:-

1- Gayshkii oo ahaa Gobanimo Doon xalaal ah.
2- WSLF oo Xornimo Doon ahaa.
3-ONLF oo masuuliyad iyo xil gooni ah iska saartay, xal u Helida Aayo ka tashida Umadeena, iyadoo ay xusid mudantahay wakhtiga iyo mudada oo ay aad uuga badnayd iyo 34 jirsatay taariikhda Halganka JWXO.

Waxaa kale oo intaas u dheeraa hurida Naf iyo Maalba lahayd iyo mintidnimadii adkaysiga lahayd we ay dhabarka uridatay oo ah mid aan la ilaawikarin a bid!

Amaan ma aha waa xaqiiqada Biyo kama dhibcaanka ah, Cadawgeena ayaa qirsan qodobkaasna.

Markaan ka runsheegayno marxaladihii Gumaystayaashii Talyaaniga iyo ingriiska iyo Abasiiniya Waxay ahaayeen dhamaantood Gumaystayaal ku soo Duulay dhulkeena iyo Dadkeena.

Dhinaca wada hadalada ku saabsanaa in heshiis laga gaadho Qayida OGADENIA iyo Sidii xal Nabadeed loogu heli lahaa Waxay soo Martay wajiyo Dhawr ah, balse uugu danbayn JWXO Waxay heshiis Nabadeed lagashay Wadankii Ay ishayeen ee Ethiopia.

Markuu xaal sidaa yahay maan dad waa mudacyo, Nabaduna Cid walba waa u Dan!
Markaad Nabad rabto Dagaal ayaa loo diyaar garoobaa, waa Masalo horay loo soo tijaabiyay ma lihi Dagaal aan qaadno hada balse wixii Danaheena baalmaris ku soo aadanaan karana aqbalimayno!

Gunta ceelka salkiisa soo taabashadeedu markay suurtagal-tahay waxaa fududaan inta halbeega cabirka biyahaasi iyo intay ku filan karaan.

Aan wada Noolaano waa sax, balse wixii inoo wada Dan noqon kara ayaa socon kara markasta, wixii dhalanteed ku dhigan maraago Hubaal miisaankeenuna waa mid Culus!

Qoraa  Madax Banaan: Cabdullaahi Cabdi Ibraahim.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay