Hirgalinta Heshiiska Ay ONLF lagashay Ethiopia waa masuuliyad wada Saaran labada dhinac.

Inkastoo ay ahaayeen Dadkii majaraha u hayay Ethiopia 27kii sano ee lasoo dhaafay, kuwo ku sifoobay tacadiyo badan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka ayna dawtahay in maxkamad lasoo taago si loo helo aaminaad, ayaa waxaa hadana muuqata in isbadal la taaban karo ka jiro dhanka madaxda haatan majaraha u haysa Wadanka Ethiopia.

Taasi oo ah markii si dhab ah wax loo darso u baahan wadajir in loo baxnaaniyo, oo hadba sidii wax yahay loo qaabeeyo hab cilmiyaysan oo la falgali kara waaqica lajoogo hadba. Waxaan sharaxaad ubaahnayn in Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ay tahay ururka kaliya ee rubucii udanbeeyay Qarnigii 20-aad iyo kan 21aadba uu yahay ururka ka sida rasmiga ah u matalaya Umadeena.

Masuuliyadaasina waa mid aan ka shacab ahaan abaal wayn ugu hayno, waxaana xusid mudan inaan si buuxda ugarab taaganahay, ocdka shacabkuna wuxuu leeyahay saaka “Geesiyaashii Dalkaygoow soo hoyatay Guushuye, hanbalyiyo salaan wacan Hooya naga gudoomoo, halkiinaa Kasii wada”

Docda kale xushmada iyo maamuuska ku duugan wadajirkeena waa lama taabtaan, waayihii ina soo marayna cashir inoogu filan! Hanaanka wax hubinta masalo kasta oo ina khusaysa waa mid u taagan Aayaheena.

Soo shaac bixinta Aragtida JWXO ee ku aadan hanaanka Diblomaasiyadeed Ee wakhti Xaadirkan iyo waliba mustaqbalka dhaw iyo kan fogba waa mid dhabaha u xaadhaya darka ceelka biyahasan.

Taasina waxay ahayd mid ku cad Shirkii jaraa’id Ee Dhawaan Xoghayaha Guud ee ONLF mudane: Craxmaan Mahdi (maaday) si Hufan uugu Qeexay warbaahinta Qaybaheeda kala duwan maalmihii aan soo dhaafnay.

Xilkasnimada looga baahanyahay mid kastoo inaga mid ah ayaa ah inuu kaalintiisa kasoo baxo, si aan ugaadhno yoolasheena aan higsanayno.

 

Wariye madax banaan
Cabdullaahi Cabdi Ibraahim.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay