Waxaa soo dhawaanaysay ujeedadii aanu kalahayn lahadalka cadawga waxaa kale oo soo dhawaanaysay halistii hore mid ka badan maadaama aanu sifuran ula kulmayno jawaasiis wadan xor ah joogta.

Waxaa nasoo wacay wadaad isku sheegay Sh. Xuseen oo deegaankiisu yahay markii dambeen isbaranay magaalada Dolow, hasa ahaatee kolba meeshii looga baahdo loo dirsado. Isbarasho kadib wuxuu durbadiiba bilaabay hadal dheer oo mahadnaq ah wuxuuna aad ugu riyaaqay siduu sheegay xidhiidhka na dhex maray. Wadaadku wuxuu u hadlayay sida culimada caadiga ah. Aayado iyo axaadiis yuuna dal-dalayay. Waxaanse layaabay markii uu akhriyay xadiiskii Nabagi CS ee ka hadlayay khaatumada. Wuxuu nagu sifeeyay in cadaabkii aanu xariijimo u jirsanay ka dibna Eebe nagasoo qabtay oo xaga janada naloo soo leexiyay, eegana aanu janada qarkeedii taaganahay; “inaad janada gashaan unbaa idiin dhiman idinka yaana isuhaya manta” ayuu ku soo gunaanaday.

Jawaabtanada oo koobani waxay ahayd; “sideen isu aragnaa hadaba iyo halkee”.

Balantii aanu qabsanayna waxay noqotay 3ex maalmood kadib.

Wadaadkii markan kulanay mudadii aan qabsanay, waxuu isku tilmaamay inuu lamid yahay Waraqatu Binu-Noofal, markii uu umul mu’miniin Khadiija RC uu u fasirayay wixii Nabigu CS uu arkay inuu ahaa mlakul Jibriil oo waxyi u waday. Wuxuuna yidhi; “Dhalinyaro hadaan ahaan lahaa intaan idin raaco ayaan idinla socon lahaa si aan idiinka celiyo kuwa aqliga yar ee idin mooraal jabin doona”.

Wuxuu amaanayay Addisababa oon u fahanay janada uu sheegina inay iyada ahayd, tilmaanta uu ka bixiyay in aan janada ku galaynana waa inaan Tigrayga isu dhiibno. Aayadaha faraha badan ee uu macna qaloociyay iyo faseexadiisu kama yarayn sixir kamana badnayn been iyo wixii aanu sugaynay, wax mad-madaw ahna marna nagama galinin ujeedadanadii aan ka lahayn la kulankiisa.

Waxaanu si qotadheer uga waraysanay xidhiidhkiisa uu Ethiopia la leeyahay isaga iyo habka ay ula shaqeeyaan dadka arintan la wadaag iyo inay jiraan Ethiopian halkan jooga oo tababar iyo tilmaamo nasiiya, waxaanuna u soo jeedinay in xubnaha ay wada shaqeeyaan aan aragno. Intiiba wuu naga haqabtiray.

Isagoo ka jawaabayana wuxuu yidhi; “Anigu waxaan ahaan jiray culimadii wadanka ugu waawaynaa waagii itixaadka, eegana waxaan kamid ahay culimada Ehlu-sunna waljama. Xidhiidh dheerbaanu lahayn Ethiopianka ilaa 90maadkii. Hadda waxaan daganahay dalka Kenya waxaana kolba aada Ethiopia. Nin General ka yar iskama naqaano Ethiopianka. Runtiina kaalmo badan baan ka helay nimankaas, cadawna way iiga hiiliyeen cumradana way iga bixiyeen. Waxaa jooga Kenya niman waawayn oo Ethiopian ah xaaldaha ay nabad diidku halkan ka wadaana way ogyihiin. Garisana dhawrkii isbuuc marbay yimaadaaan waanuna kala warqaadanaa. Somali ilashaqaysa way jirtaa. Ethiopian ku aniga unbay igu xidhanyihiin aniguna xubnahaas ayaan sii xukumaa, waxaanan idin bari qayb kamid ah”.

Waxaanu si fiican u fanahay wadaadka iyo xidhiidhkiisa. Waxaase yaab nagu noqotay in ay dhisanyihiin koox habaysan oo isaga uu si ixukumo iyo in xidhiidhka uu la leeyahay Ethiopia ilaa 90kii uu soojiray .

Inbadan ayaanu malamalaynay cadawga uu sheegay inay uga hiiiliyeen, waanuse ka gaabsanay inaanu weydiino cadawgaasi kuu ahaa. Waxaa nagala waynayd in uusan naga didin  intaan ka hubsanayno xubnihiisa iyo siduu u hawlgaliyo.

Wadaadkii iyo anagu dantaanu isku xidhanay, waxaanuna isu helnay firaaqo aanu waxbadan iskula showro. Waxaanu ka codsanay in xubnahaas dhisan aanu ku yeelano hal xubin wuuna nagayeelay. Islamaalintaas ayaan waxaan u dirnay xubin naga mid ahaa si uu u soo arko dadkaasi kuway yihiin, anigana waxaalay xilsaaray inaanu wadadka isla gorfayno habkii aanu ku aadi lahayn wadankii ulana kulmi lahayn anagoo badan
safiirka Ethiopia, taasoo macnaheedu yahay in aanu dad koox ah ka keeno meelo kala duwan oon ka soo dhaadhicino inay taageeraan waxa ay ku sheegayeen nabada.

Tabahanaga waxaa ka mid ahayd in Wadaadku uuna arkin wax kabadan 3 xubnood oo ku kooban intayadan hadalka la wada iyo in aanaan marna la kulmin Ethiopian ka iyo in xubnaha wadaadka dhamaantood aanu barano. Waxyaabihii aanu wadaadka ku riyaaqsiinaynay maaha wax lasheegi karo markaan caadiga ahyna wayba adagtahay in aan xataa kaligay xasuusto, sababtoo ah waxaan isku daya-hayay in uuna iga shakiyin.

Tijaabo kale ayaanu ku samaynay balsida ay u cabsiiyaan dadka . Waxaan uga sheekeeyay nin adag oo ONLF ah oo aan u baahnaaan lahaa in lacabsi galiyo, waxaana ugu tilmaamay inuu yahay nin qalbi adag oon cabsanin. Odaygii intuu aad u qoslay ayuu yidhi; “saw waxyaabaha nala baray maaha sida dadkaas loo cabsi galiyo, inkasta oo nimanku naf-xoor yihiin. ii soo qor telfone kiisa”.

Waxay ahayd arin aanu horay u sii qorshaynay oo waxaan u dhiibay telfoonkii xubinka. Wuxuu i waydiiyay luuqadaha Ethiopia miduu yaqaano, kadibna xaruntiisii Ethiopia gaar ahaan Doolow ayuu lahadlay una gudbiyay. Dadiiqado kadibna waxaa soo wacay wiilkii aanu isku ogayn niman axmaro iyo Somali isugu jira. Waxyaaba badan ayay kala hadleen iyagoo leh waan ku naqaanaa meeshaad dagan tahay iyo mesha aad ka
shaqays intaba, taasoo la mid ah handadaad ah; meeshaad joogto waan awoodnaa inaan talaaba kaaga qadno, marna waxay dhahayaan waxbaan kuu qabanaynaa hadaad nala shaqayso. Wadaadku wuxuu noo sheegay oo kale in kuwa sirdoonka ah ee Gaarisa ama Nairobi joogaana ay dadka la hadlaan hadii loo baahdo.

Waxaa marar badan nasoo wacayay Asfow iyo General Fanta laakiin markasta waxaanu dib u dhigaynay wax kulan ihi inuu dhaco intaan ka dhamaysanayno wadaadka, balse ugu danbayntii waxaanu qabsanay Bisha May 29 keeda iyo Nairobi.

Dhanbaalside (xubinkii noo soo jaajuusayay jawaasiista) wuxuu la soo kolmay 4 xubnood sidii aanu dhawraynay ayuuna u soo siray. Waxay u sheegeen inay shaqadoodu tahay in ay u dhabagalaan soona ogaadaan dadka u dhaq-dhaqaaqa jaliyada telfoona-doodana u soo gudbiyaan wadaadka. Gaar ahaan inay la socdaan marka ay jaaliyadda hawl ku jiraan ama kayimaadaan si loogu soo hanjabo loona tuso in Addis laga ogyahay waxay halkan kahayaaan. Waxa akale oo ay uga warameen wixii faa iido ahee ay ka helaan shaqaas badalkeeda. Waxayna u sheegeen dhanbaalside in laga bixiyo tefoonada waxoogaa markay joogaana in lacag yar lasiiyo wadaadkana loo soo marsiiyo, hawadooduna ay tahay inay safaarada shaqo ka helaan marka bay dheheen nabada la adkeeyo.

Taladayadii rog-gaan-rog badan kadib waxaanu ku gunanadnay in aanu gadhnay ujeedadaanu kalahayn, Waxaanu go’aansanay markan in aanu cadawga tusno wajigayaga dhabta ah.

Generalkii waxaan u sheegay in xaaladu ka adagtahay siday moodayaan dadka ay nagu soo xidheen een u baahanyn inay nala shaqeeyaana ay yihiin kuwo aan tayo lahayn annaguna u baahanay waxa dadkayagu u baahanyihiin. Wuxuu Fanta ku celceliyay in hadii kuwani ayna tayo lahayn aanu annagu shaqayno iyaga badalkoodii, waanuse ka diidnay waxaanuna u soo jeedinay haday rabaan in nabad lagaadho inay sameeyaan waxa ay shacabka Ogadenya dalbadaan.

Safiirka ninkii isku sheegayayna waxaanu u sheegnay war midkaas kabadalan oo ahaa; General Fanta ayaanu sugaynaa in aanu kulano wuxuuna naga codsaday in aanaan safarada arkin intaanu isaga kala kulmayno. Asfowna waxaanu u sheegnay in ballantii safaarada aanu wali sugayno.

Waxay u maleeyeen in anagu aanu is-khilaafsanahay. Wadaadkii ayayna soo canaanteen oo dheheen kalasaar nimanka.

Dhanbalside ayuu wadaadkii u dusay kuna yidhi; aan lahadalo General Fanta oon u sheegno goorta aynu safaarada aadaynu saaxiibadaa waan ka shakiyay. Dhanbaalsidana muuna u garaabin.

Wadaadkii wuxuu fahmay inuu gabawaranyahay wax gacan ugu jirana aysan jirin oo waxii war ahaa ee uu horay u gudbiyay ee ka bad-badiska ahaana uu General Fanta ka sugayo natiijadii uu sii saadaaliyay ee wanaagsanaynd. Dhalasho iyo diin buu ku muusanaabay. Khiyaano in lagu sameeyay ayuuna ka eed sheegtay. Waxaanse ugu jawaabnay inuu isagu sameeyay waxa uu ka cabanayo oo ah diin iyo dhalasho khayaamis. Wuxuu ku muusanaabay “ i bad-baadiya” waxaanuna ugu jawaabnay ONLF cafis waydiiso iyo dadkaaga iskana joog.

Waxaan ogaanay inay kala fiigen xubnihii jawaasiista ahaa, Wadaadkiina wuxuu si dhuumaal ah ugu baxay DOOLOW.

29 May oo ahayd maalinta uu nasugayay ninka Nairibi ayaa noqotay maalintii ugu danbaysay ee wadahadalkii beenta ahaa. Waxaa khadka soo wada galay intii aanu is aragnay marka laga reebo Wadaadkii. “Maxaad qoonsatay ood sidan u yeeshey, mase jirtaa waxaad dalbanayso oonu kuu yeelno si aan isu aragno” ayay i su’aaleen.

Waxaan u gudbiyay fariin dheer waxaana usheegay inay tahay erayadii ugu danbeyay een u sheego.

Fariintan waxaanu qoray 16kii May oonu ugu tala galay inay ugu danbayso hadalkanaga maadaamo aanu sii ogayn natiijada sheekadan. Waxaan ku dhahnay;

“Intaad dalkayagii iyo dadkayagii baabi’seen ayaad hadana rabtaan inaad been nagu sasabtaan. Madhacayso inaanu idinku jeclaano laynta, kufsiga, xabsiga iyo boobka. Hadaad rabtaan waxaynu noqon karnaa walaalo isjecel. Idinka ayaana gacanta ku haya arintaa. Rabitaanka shacabkanaga waa inaad tixgalisaan. Urur hogaan leh ayaan nahay. Majirto waxaan ka kulano oo dambe, sidaasi darteedna nama sugaysaan. Hadaad rabtaan kuwo aad been u sheegtaan waad hesheen waadna isbarateen; idinkuna waxaad aragteen kuwii dadkooda ka soo duday iyo kuwii tayo xumida loo caydhiyay wax tar yaridooda, iyaguna waxay arkeen beentii aad u sheegteen iyo dudmadoodii meeshay gaysay”.

Markaan akhriyay fariinta oo ii sii qorayd waxaan ka cudur daartay in aanan waqti danbe haynin waxaana ku idhi af-axmari; “la-nabad hooyo khasaare”.

Qaybtii 1aad

Qaybtii 2aad

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Guule says:

    Waa maqaal xiiso badan, sida sheekada loo dhigayna waxaad moodaa in ay guuleysteen kooxda ninka maqaalkan qoray uu ka tirsanaa.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay