Ciidamada cadawga  oo jidhdil, xadhig iyo dhacba ka gaystay qaar ka mida  degmooyinka dalka 

Ciidamada  gumaysiga itoobiya ee ka hawlgala dalka ogaadeenya waa kuwo loo carbiyay  dhibaatada iyo waxyeelada shacabka dulman  ee ku hoos jira gumaysiga itoobiya

Ciidamadan ayaa waxaa loo fasaxay nafta iyo maalka  shacabka ogaadeenya oo ay ka yeelaan hadba sida ay doonaan.

Ciidankan oo amar lagu siiyay inay ku noolaadaan hantida dadka tabaalaysan  islamarkaana ay dhacaan ayaa waxay gaystaan xadgudubyo joogto oo ay ka galayaan dadka shacabka ah.

Hadaba tacadiyadaas oo u dhaca si joogto aha ayaa waxaa  nasoo gaadhay qaar ka mid  ah

  Jidh-dil

19 /4/12 waxaa lagu Jidhdil loogu gaystay degaanka  Daradtoole  ee gobolka Doollo

Bashiir aw yuusuf barkhadle

Xasan xaaji

Furcas cabdulaahi guhaad

xidhay

10/4 /12 waxaa lagu xidhay  degmada  Danood  ee gobolka Doollo

Nimco muxumed  gure

Nimco yuusuf qani

Nasiir muxumed muuse

Seel ibraahin xarbi

20/4/12 waxaa lagu xihay  degmada   Yucub  ee gobolka Doollo

Maxmed aadan

Dhac

18/4/12 waxaa dhac loogu gaystay tuulada  Bilcilbuur oo ka tirsan degmada dhagaxbuur  dadka kala ah

Shugri maxamuud sugule oo laga dhacay  5 neef adhi ah

Yuusuf cabdi  oo laga dhacay  4  neef adhi

Cabdi foos oo laga dhacay   1 neef  adhi
dhibaataynta shacabkan dulman ayaa noqotay mid ay ku dalacaan askarta wayaanaha iyo kuwa u adeega, hase yeeshe dadka ogaadeenya ma mooga sababta dhabta ah ee waxan ay ku gaadhayaan inay  tahay joogitaanka gumaysiga itoobiya taasina waxay ku dhiirigalisay in ay u dulqaataan ilaa ay gaadhayaan waxay doonayaan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay