Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Erar ayaa wada abaabul aad ubalaadhan iyagoo kulamo lasameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka kudhaqan.

Waftiga JWXO ee Gobolka Erar oo uu hogaaminayo halgame Yuusuf Ismaaciil Xaaji oo kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO ayaa lakulmay culimada iyo odayaasha magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar.

Halgame Yuusuf Ismaaciil Iyo waftigiisa ayaa odayaasha iyo culimada magaalada Fiiq kala hadlay isku duubnida iyo midnimada iyo waliba ujahaynta dadwaynaha ee dhinaca wanaagsan.

Odayaasha iyo Culimada magaalada Fiiq ayaa waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO usheegay in ay kufaraxsan yihiin imaatinka JWXO waxayna balan qaadeen in ay garab taaganyihiin halganka xaqa ah ee shacabka lagu xoraynayo sinabad ah.

Odayaasha ayaa sheegay in mudo badan dadka shacabka ah iyo Jabhada lakala ilaalinayay taas oo keentay in shacabka ladhibaateeyo, waxayna Odayaashu ilaahay kumahadiyeen in aan maanta Isla joogno jabhad iyo shacaba.

Waftiga JWXO ee Gobolka Erar ayaa mari doona deegaano kale oo Gobolka kamid ah kuwaas oo dadku ay aad usugayaan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay