Waxaa caawa oy taariikhdu tahay 27/04/2012 ka amba baxay wadanka Denmark gurmad balaadhan oo ku siijeeda xagaas iyo caasimada wadanka Sweden ee Stockholm halkaasoo ay kusii qulqulayaan dhamaan jaaliyadaha Soomaalida Ogadeenya ee la,isku yiraahdo Iskandanifiyaanka (Scandanivian Countries) sida Denmark,SwedenNorway iyo Finland, say uga qaybgalaan mudaaharaad balaadhan oo Qunsuliyada Wayaanaha ee wadanka Sweden ay soo qabanqaabisay oo loogu talagalay in lagu boobo hantida shacabka. Waxay qunsuliyadda gumaysiga ay ku martiqaaday oo iman doona Sweden dhiigyacabka ay u kiraysteen gumaadka shacabka S.Ogadenya Cabdi iley, oy ugu yeedheen inuu meesha ka handado qabiilada Somaliyeed say u bixiyaan lacagta baada ah.

Mudaaharaadkan oy isku balansadeen dhamaan jaaliyaadka Scandanivian-ka oo kadhici doona caasimada Stockholm barri oy taariikhdu tahay 28/04/2012 haduu eebuhu yiraahdo ayaa lafilayaa inay wacdare taariikhi ah ku soobandhigi doonaan jaaliyaadkan oo looga bartay inay cadawga dharbaaxo uusan waligii kasoo waaqsanin.

Hadaba jaaliyada Denmark oo kamidah hormuudka jaaliyadaha gobanimadoonka Ogadenya wacadna kumaray inaysan ka daalaylin fadhislinta iyo ladagaalanka Cadawga iyo Cadaw-kalkaalka gabalkiisu dhacay ee doonaya inuu taageero uga helo bulsho waynta Soomaaliyeed ee dibada kudhaqan gumaadka uu kuhayo hadh iyo habeeb shacabka Soomaalida Ogadenya éen waxba galabsanin.

Dhanka kale waxaa lafilayaa inay mudaaharaadkan kasoo qaybgali doonaan ururro badan oo kamidah mucaaradka Itoobiya sida OromadaCafartaAmxaarada iyoGanbellaha oo dhamaan kadhaxayso saaxiibtinimo iyo wadshaqayn shacabka Soomaalida Ogadenya ee kadhiidhiyay inuu iska qaado heeryada gumaysiga Itoobiya.

 

ONA.


 
 

1 Comment

  1. Shukri says:

    Mashallah GUULEYSTA INSHALLAH Free OGADENIA

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay