Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey hadal uu jeediyey la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, oo ku saabsan maleeshiyada Kurdish-ka ee ka dagaalanta dalka Suuriya.

Bolton oo hadalkan ka jeediyey Israel ayaa sheegay inay qasab tahay in la damaanad qaado shuruudo ay ka mid yihiin badbaadinta ciidamada Kurdish-ka ee Mareykanka xulufada la ah, ka hor inta aysan Ciidamada Mareykanka ka bixin Suuriya.

Erdogan oo shalay la hadlay xildhibaanada xisbigiisa AKP ayaa hadalka Bolton ku qeexay “Mid aan la aqbali karin” iyo “qalad weyn” “Waa mid aan la aqbali karin ama aan la qaadan karin hadallada uu Bolton uu ka sheegay Israel”

Erdogan waxa uu sheegay in heshiis uu dhex-maray isaga iyo madaxweyne Trump, hase yeeshee xubno ka mid ah maamulka Trump ay ku hadlayaan wax ka duwan taas. Turkiga ayaa kooxda Kurdish-ka Suuriya ee YPG u arka koox argagixiso oo xidhiidh la leh jabhadda Kurdish-ka ee PKK ee Turkiga ka dagaalanta. Turkey waxay horey wacad ugu martay inay cagta marin doonto kooxdan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay