Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 27ka April 2012 magaalada Uitanhage lagu qabtay –Habeenkii Ogadenya (Ogaden Night)  oo baryahanba uu ka socday ogaysiiskiisu gobolka Port Elizabeth iyo nawaaxigeed. Shirka oo si aad ah looga soo qaybgalay ayaa wuxuu furmay salaada makhrib ka dib waxaana furay gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya  ee koonfurta Africa.

Shirka waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay ururka dhlinyarada OYSU-SA iyo  jaaliyada S.Ogadeniya ee Koonfurta Africa (JOKA), waxaana shir gudoon ka ahaa halgame Cabdiraxmaan Siciid.

Waxaa ka hadlay shirka xubna farabadan oo ka kala socday ururka dhlinyarada iyo ardayda gaar ahaan qaybta xarunta iyo xoghayaha gobolka martida loo ahaa mudane Cabdiqani oo arima badan oo quseeya halganka ka xogwaramay. Waxaa kaloo shirka ka hadlay xubno ka mid ahaa hawl-wadanada Ogaden Night oo ka sheekeeyay barnaamijka iyo heerarkii uu soo maray iyo in caalamka meela badanoo ka mid ah uu ka socdo. Barnaamijka ON oo ku saabsan dhibaatooyinka cadawgu ku hayo dadka shacabka oo nooc walba, dhibaatooyinkaa oo uu ku maagan yahay gumaysiga in lagu nugleeyo shacabka iyo halgankaba. Waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaa lagu muujiyay barnaamijka Ogaden Night; gaajaysiinta shacabka, dilka, dhaca, kufsiga, xadhiga,  jidhdilka, bahdilka nafsiga ah, daldalaada{ marjinta  xabsiga }, laaluushka, cabsi gelinta  iyo dhamaan waxii la mid ah ee uu gumaysigu u adeegsanayo dadka shacabka ah.

Waxaa lagu soo bandhigay shirka ciyaal yaryar oo ku hadlaya luuqada Ingriiska waxayna ka soo jeediyeen qudbad aad u xiisa badnayd oy ku akhriyeen luuqada inglishka ah.

Waxaa kaloo lagu soo bandhigay madasha shirka dhaanto aad u qiimo badan oo ay u tumayeen ururka dhalintu si casri ah. Wuxuu ahaa shir si guul ah ku soo gabagaboobay.

Waxaan isku dayi doonaa inshaa alllaah inaan soo gelino iyadoo maqal iyo muuqaal ah qaybo ka mid ah xafladii xalay dhacday.

Xashi/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay