Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kusugan magaalada Dirdhebe ayaa habeenimadii xalay ahayd kaqayb galay xaflad aad ubalaadhan oo madaxda JWXO lagu sagootinayay.

Xafladan oo aad loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay Madaxda ururka SARDA ee Isbahaysiga laleh JWXO, Madax dhaqameed, Fanaaniin, dhalinyaro iyo dumar aad ubadan, waxayna xaflada kusii sagootinayeen madaxda JWXO oo baryihii lasoo dhafaay kusugnaa magaalada Dirdhebe.

Waxaa xaflada kahadlay qaar kamid ah madaxda JWXO sida Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif Cumar. Waxayna siwayn ugu Mahad celiyeen shacabka Iyo Siyaasiyiinta ree Dirdhebe oo soomaalinimo wayn muujiyay.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa kawarbixiyay sooyaalkii taariikheed ee shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia iyo fursadaha maanta muuqda ee isku duubnida ubaahan.

Dhinaca kale waxaa hadalo aad umiisaan waynaa xaflada kasheegay odayaal uukamid yahay Oday Buux kuwaas oo si isku mid ah usoo dhaweeyay JWXO iyo hadafkeeda soomaalinimada ah.

Sidoo kale waxaa xaflada suugaan halgameed katiriyay qaar kamid ah dhalinta magaalada Dirdhebe, kuwaas oo suugaan kucabiray waaqica lagu jiro.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday xafladii qiimaha badnayd ee lagu sagootinayay madaxda JWXO.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay