Waxaa maanta Dagmada Qubi ee Gobolka Erar Shir balaadhan kuqabtay wafti kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo baryahan kusugnaa Gobolka.

Waftigan oo uu hogaaminayo Mudane Yuusuf Ismaaciil Xaaji ayaa maalin nimadii shalay gaadhay magaalada Qubi halkaas oo dadka ree Qubi ay siwayn ugu soodhaweeyeen, waxayna maanta meel fagaare ah kula hadleen dadwayne aad utiro badan.

Madaxda JWXO ee gaadhay Dagmada Qubi ayaa dadka shacabka ah ee ree Qubi usheegay in ay ilaaliyaan Midnimada iyo hor usocodka Isla markaana ay taageeraan halganka JWXO ay hormuudka utahay oo sinabad ah lagusii wadi doono.

Dadka shacabka ah ee ree Qubi oo aad usoo dhaweeyay imaatinka madaxda JWXO ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin howlaha halgan ee guud ahaan wadanka Ogadenia kasocda.

Waftiga JWXO ee Gobolka Erar ayaa kulanka shacabka kadib lakulmay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha iyo Aqoonyahanka Dagmada Qubi udhashay.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay