Waxaa galabta oo Arbaco ah Dagmada Xamaro ee Gobolka Erar gaadhay wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo uu hogaaminayo Mudane Yuusuf Ismaaciil Xaaji.

Waftigan oo baryahanba howlo abaabul kawaday Gobolka Erar ayaa kasoo kicitimay Dagmada Qubi, iyagoo siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Xamaro ee Isla Gobolka Erar.

Waftiga JWXO ayaa lagu wadaa in ay meel fagaare ah kula haldaan dadwaynaha kudhaqan Dagmada Xamaro, kuwaas oo hadaba kujira qabanqaabada shirka balaadhan ee kaqabsoomi doona Dagmada hadii Alle Idmo.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa gudbin doona fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah qorobka ay JWXO karuulayso si loogaadho wanaag iyo hormar waara oo shacabka Soomaalida Ogadenia ay gaadhaan.

Wixii war ah ee kasoo kordha waftiga JWXO ee Dagmada Xamaro kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay