Ciidanka Amniga dalka Australia ayaa sheegay inay baadhitaan ku wadaan baakado sun ku jiraan oo loo kala diray safaarado iyo Qunsuliyadaha ku kala yaal magaalooyinka Melbourne iyo Canberra.

Warbaahinta dalka Australia ayaa sheegaysa in baakadahan lasoo geliyey sunta guryaha lagu dhiso ee loo yaqaan asbestos oo ay ka dhalan karaan cuduro kala duwan oo uu Kanserka kamid yahay, illaa iyo hada lama yaqaan dadka ka dambeeya weerarkan. War kasoo baxay booliiska Australia shalay oo Arbaco ah ayaa lagu sheegay in baakadahan shalay ay gaadheen safaarado kala duwan welina baaritaan lagu wado.

Safaaradaha & Qunsuliyadaha loo kala diray baakadahan sumeysan ayaa waxaa kamid ah kuwa dalalka: Maraykanka, UK, Greece, Italy, Spain, Thailand, India, Japan, Pakistan, Egypt, Denmark, Switzerland iyo New Zealand.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay