Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horeysay khudbad uu kasoo jeediyey xafiiskiisa oo si toos ah looga siidaayey warbaahinta uga hadlay ismarin waaga hakisay hawlaha dowlada Maraykanka ee la xidhiidha miisaaniyada iyo dhismaha darbiga uu doonayo inuu ka dhiso xuduuda dalkiisa la wadaago Mexico.

Trump oo si toos ah ulla hadlayey shacabka Maraykanka ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in la dhiso darbiga xuduuda Mexico oo uu sheegay inay kasoo galaan qaxooti badan iyo daroogo wata, isagoo sheegay in xisbiga Dimuquraadiga uu caqabad ku noqday qorshahaasi taasi oo keentay in la ansixin waayo miisaaniyada iyo xidhitaanka xafiisyada dowlada todobaadyadii lasoo dhaafay.

Trump ayaa todobaadkan ku goodiyey in uu xaalad deg deg ah kusoo rogi doono xuduuda Mexico, balse khudbadiisii xalay ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo tilaabadaasi oo ay horey uga sii digeen xisbiga Dimuquraadiga.

Hogaamiyayaasha xisbiga Dimuquraadiga ee Aqalka Sare iyo Kongareeska oo iyaguna isla markiiba ka jawaabay khudbada Madaxweynaha ayaa beeniyey dooda Trump iyagoona sheegay inuu doonayo cabsi gelinta shacabka iyo abuurida shido aan jirin oo keentay in gebi ahaan xidhmaan hawlihii dowlada kadib markii lagu guuleysan waayey miisaaniyada cusub.

Dimuquraadiga ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin miisaaniyada Trump uu doonayo inuu darbiga ku dhiso oo gaareysa 5.6 bilyan, lacagtaasi oo ay sheegeen in meelo kale looga baahan yahay, halka Trump uu doonayo inuu ka dhabeeyo balanqaadkiisaas uu u sameeyey taageerayaashiisa xagjirka ah kahor intaan la gaarin ololaha doorashada danbe ee 2020.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay