Waxaa Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar gaadhay wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftiga JWXO oo isugu jiray maamulkii Xafiiska Jabhada ee Gobolka Jarar iyo madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia waxaa hogaaminayay Cabdulaahi Xaashir oo kamid ah Kaadirka JWXO, kuwaas oo sidiiran loogu soodhaweeyay Dagmada Dhagaxmadow.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dhagaxmadow ayaa duleedka magaalada kusoo dhaweeyay waftiga iyagoo kulabisan calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftiga ayaa hadal kooban ujeediyay dadka shacabka ah ee magaalada, iyagoo sheegay in ay kulamo waawayn qabsan doonaan hadii Alle Idmo.

Waftiga ayaa loogalbiyay halkii loogu tala galay waxaana goobta waftiga ladajiyay ka ag buuxa dadkii shacabka ahaa oo diiday in ay katagaan halkaas.

Wixii war ah ee kasoo kordha waftiga JWXO ee Gobolka Jarar kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay