Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kusoo gabagaboobay Shir aad muhiim u ah oo labadii bari ee lasoo dhaafay xisbiyada Siyaasada uga socday hotel kuyaala badhtamaha magaalada Addis Ababa.

Kulankan oo aad u heer sareeyay waxaa Ururadii kasoo qayb galay kamid ahaa madax sar sare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia oo dhawaan kudhawaaqday in ay noqonayso Xisbi u istaagi doona doorashada dhici doonta 2020 hadii Alle Idmo.

Waftiga JWXO waxaa hogaaminayay Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi, waxayna siwayn uga dhex muuqdeen madasha uu shirku kadhacayay iyagoo door muhiim ahna ka qaatay.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay’ad laga leeyahay wadanaka Netherland ayaa si qoto dheer loogaga hadlay sidii loo heli lahaa dooorosho xor ah oo wadanka kadhacday iyo asxaab tayo leh oo doorashada si nadiif ah uga qayb qaata.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo ay kamid ahaayeen Xoghayaha Guud halgame Maaday, Xoghayaha Arimaha Dibada JWXO mudane Axmedyaasiin iyo Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada JWXO ee Heer Faderal Mudane Xassan Macalim ayaa khudbado mug leh kasoo jeediyay shirka.

Dhinaca kale madaxda JWXO ayaa kulamo gaar gaar ah layeeshay madaxda Asxaabta kale ee wadanka kadhisan kuwaas oo wax badan ay kawada hadleen.

Kulankan oo socday mudo 2 Bari ah waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin caalami ah iyo kuwo heer dal ah, waxaana asxaabta kulanka sooxaadirtay kamid ahaa xisbiga talada wadanka haya ee EPRDF.

Gabagabadii kulankii socday labada bari ayaa kudhamaaday jawi dagan iyadoo madaxdii kaqayb gashayna ay kukala laabteen goobihii ay daganaayeen.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay