Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la damiyey dab xalay ka kacay suuqa Bakaarama, dabkaasi oo saameeyey qaybo ballaadhan oo ka mid ah suuqaas.

Waa dabkii ugu dambeeyey ee ka kaca suuqa oo marar hore sidan oo kale uu dab u baabiyey dukaamada iyo hantidii taalla. Suuqa Bakaaraha waa kan ugu weyn Soomaaliya haddiiba aanu ugu weynayn Geeska Afrika. Waa xuddunta dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.

Sannadihii ugu dambeeyey waxa uu wehel u noqday masiibooyin is daba joog ah oo ay iskugu jireen dagaallo sokeeyey, dilal khaarajin ah iyo masiibo dabiici ah oo ka dhalata dab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay