Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay qaadista howlgal militari oo ka dhan ah jabahadda Kurdiyiinta ee YPG ee Bariga Suuriya ka hawlgasha..

Turkiga ayaa sheegay in qorshahooda la dagaalanka argagixisada uusan ku xidhnayn in Mareykanku uu ka soo baxo Suuriya iyo in kale. Isfaham la’aan balaadhan ayaa iyo madmadoow ayaa soo kala dhex galay labada dawladood oo mid waliba doonaysa inay siyaasadeeda ku aadan Suuriya guul ka gaadho.

Hadalkan ka soo Yeedhay Turkiga ayaa daba socda kii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isna ku diiday la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton dalab ahaa in Turkigu aanu waxyeelin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Suuriya kadib marka Mareykanku ka baxo Suuriya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay