Wararka nagasoo gaadhaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Taliska Itoobiya ayaa sheegaya In Gudiga fulinta Ururka EPRDF Kulan isoogu imaan hayo.

Gudiga fulinta ururka EPRDF ayaa 14ka bishan isoogu imaan doona kulan ay kaga Arinsan hayaan Xaalada Itoobiya.

Warkasoobaxay Xafiiska EPRDF ayaa lagu sheegay in Gudiga fulintu Qimayn doono isbadalka Itoobiya kadhacay iyo sidii loosii xoojin lahaa, waxaana lasheegayaa inuu jiro khilaaf udhaxeeya Xubnaha Ururka EPRDF gaar ahaan ODP,ADP Iyo TPLF.

Gudiga fulinta ururka EPRDF ayaa ka kooban Afar Qowmiyadod ookala ah Tigray,Oromo,Amxaro. iyo Shucuubta konfured waana meesha talada Itoobiya ka go,do siyaasada Guud ee Itoobiyana lagu jaangooyo.

Qowmiyada Somalida iyo Inta badan Qowmiyadaha Itoobiya Kuhoos nool  ayaan wax talo Iyo tusaale ah kulahayn Arimaha Itoobiya, waxayna Fuliyaan Qorshayaasha EPRDF usoodhiibto qorshayaashaas oo aan Gobaladooda iyo dadkooda toona  wax dan ahi ugu jirin.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay