wafti ka socda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) ayaa waxay shir balaadhan ku qabteen dagmada iimay ee ka tirsan gobolka Nogob shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana sidii caadada inoo ahayd lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah.

waftigan ayaa waxaa horkacaayay Halgame Cabdulaahi Xubin iyo masuuliyiin Jabhadeed waxaana qudbad ka jeediyay Halgame Cabdulaahi xubin asagoo bulshada kala hadlay marxalada siyaasiga ah ee maanta lagu sugan yahay iyo qorshaha siyaasadeed ee JWXO.

Shirka ayaa sido kale waxaa ka hadlay qaar kamida shacabkii shirka kasoo qayb galay waxayna dhamaantood ka hadleen sida ay ugu farax san yihiin la kulanka waftiga JWXO sanooyin badan kadib.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday gaba gabadii si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka ay kaga aadan yihiin shacabka ree iimay.

ONA/Ogadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay