Waxaa Maanta oo ku beegnayd 12-Jan 2019 , Shir Blaadhan ku qabtay Tuulada Goohdi ee Degmada Xamaro, ee Gobolka Erer wafti Heer sare ah oo Ka socday Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ee Gobalka Erereed ooy weheliyaan xubna jabhadeed oo muhiim ah.

Soo Dhawayntan oo ay siwayn uga soo Qayb galeen Dadwaynihii Tuulada Ku Dhaqnaa ayaa kubilowday jawi Xamaasad iyo xiiso Xambaarsan.

Waftiga JWXO oo ay ka muuqatay Farxadi ayaa khudbado dhaadheer dadwaynaha usoo jeediyay, waxayna waftigu shacabka Goohdi Lawadaageen qorshayaasha cusub ee Jabhadu u Jeexday xiligan Kala Guurka ah si loo Dar-Dar galiyo Halganka lagu Xaqiijinayo Xoriyada Ogadenia.

Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka Soodhawayntan kasoo qayb galay ayaa dhankooda sheegay in ay taageersanyihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO iyo Mabaadii’deeda Gobonimo Doon.

Waxgaradka Goodida ayaa balan qaaday inay naf & Maalba uhurayaan Sidii Dalkooda loo Xorayn Lahaa.

ugu Danbayntii isu soo bixii lagu soo Dhaweeyay Waftigii ONLF ayaa ku soo Gaba-gaboobay Jawi Xasiloon ooy farxadi ku dheehantahay.

ONA / Xamaro-Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay