Waxaa hada Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar kasocda Shir balaadhan oo ay wafti katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO uqabteen shacabka kudhaqan Dagmada Dhagaxmadow.

Waftiga JWXO oo uu hogaaminayo Halgame Cabdulaahi Xaashir ayaa Dagmada Dhagaxmadow gaadhaay labo bari kahor halkaas oo sidiiran loogu soodhaweeyay, waxayna waftigu bilaabeen kulamo gooni gooni ah oo ay uqabteen qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha, Aqoonyahanka, Culimada, Dumarka iyo Dhalinta Dagmada Dhagaxmadow.

Waftiga JWXO ayaa ugu dambayntii maanta qabtay kulan balaadhan oo ay bulshada kulahadlayaan meel fagaare ah, waxaana shirka kasoo qayb galay dad aad utiro badan oo kamid ah shacabka kudhaqan Dagmada Dhagaxmadow.

Waftiga JWXO ayaa dadka ugudbiyay firiintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal taas oo shacabkuna ay siwayn usoo dhaweeyeen, Kuna farxeen in maanta aan lakala dhextaagnayn jabhadii iyo shacabkeedii.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Jarar ayaa u ambo bixi doona goobo kale oo Gobolka kamid ah, halkaas oo aad looga sugayo.

Wixii war ah ee kasoo kordha waftiga Jabhada ee Gobolka Jarar kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay