Warar hordhac ah oo soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in dhalinyaro gadoodsan oo u dhalatay qawmiyada Canfarta ay xidheen dhamaan jidadka halbawlaha ah ee deegaanka.

Warkan ayaa tibaaxaya in dhalinyaro ka cadhaysan geedi socodka siyaasada ee Gobolka Canfarta ay xidheen wadooyinka ugu muhiimsan deegaanka. Arintan ayaa saamayn wayn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo shacabka ee Gobolka dhexdiisa ah. Dhalinyarada ayaa dhagax badan ku jaray jidadka taas oo caqabad ku noqotay isku socodka gaadiidka.

Faah faahinta warkan iyo wixii kasoo baxa waxaad kaga bogan doontaan wararkaanaga dambe hadii ilaahay yiraahdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay