Shacabka Soomaaliyeed ee sida qasabka ah loogu wareejiyay dhulkoodii Gobolka Canfarta ayaa kacdoon balaadhan oo ay ku diidan yihiin kamid noqoshada deegaanka Canfarta waday intii mudo ah.

Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gadhmalu ay kulamo iyo shirar isdaba joog ah oo ay kaga arinsanayaan mustaqbalkooda baryahan uga socday magaaladan. Sidoo kale Soomaalida ayaa dhanka xukuumada Abiy codsi u diray iyaga oo cabashadood aan hada kahor wax ka hoos qaaday uusan jirin.

Dhanka kale waxaa jira wafti ka socda Addis Ababa uu gaadhay wadanka Jabuuti. Waftigan oo ay hogaaminayso Waziirada Difaaca Itoobiya Caasha Maxamad ayaa la kulmay Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Warkan ayaa intaas ku daraya in socdaalka waftigan uu salka ku hayo cabasho uu Maamulka Canfartu u gudbiyay xukuumada Abiy oo ku saabsan in dawlada Jabuuti ay farogalin ku hayso xiisadan murugsan ee u dhaxaysa Soomaalida iyo canfarta.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay