Waxaa si nabad ah kusoo gaba gaboobay kulamo xidhiidh ah oo waftiga JWXO ee Gobolka Erar ay kawadeen Dagmada Salaxaad iyo deegaanada hoos yimaada.

Waftiga JWXO ee Gobolka Erar oo indhawaalaba galaa baxayay Gobolka Erar iyo dagmooyinkiisa ayaa maalmahan kusugnaa Dagmada Salaxaad iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Erar ayaa maanta kulamo layeeshay waxgaradka iyo Aqoonyahanka Dagmada Salaxaad kuwaas oo ay kawada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa amaanka iyo hormarka dalka Ogadenia, iyo sidii loo garab istaagi lahaa halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka utahay.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka Dagmada Salaxaad ayaa balan qaaday in ay kashaqayn doonaan hormarka iyo wada noolaanshaha bulshada Isla markaana ay garab istaagayaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo howlaha ay wado.

Kulama waftiga JWXO iyo waxgaradka Dagmada Salaxaad oo siwayn la isula falanqeeyay ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo guul, waxaana lagu balamay in horay loosocdo.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Erar oo dhamaanba soomaray Dagmooyinka Gobolka ayaa sameeyay abaabul balaadhan iyo dhismayaal gudiyadii Xafiiska Jabhada ee Gobolka kashaqayn lahaa.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay