Wufuud ka socota Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa bilaabay 31kii December 2018 socdaal hawleed ay ku marayaan guud ahaan goblada iyo degmooyinka dalka. Ujeedada socdaalkaa wuxuu ahaa gaadhsiinta bulshada fariinta ururka iyo go’aamadii heshiiska.

Waxaa nasoo gaadhaya degmooyinka qarkood maamuladda ka jira in ay xakamaynayaan dhaq-dhaqaaqa xubnaha ONLF ay ku marayaan dalka iyo kulamada bulshadda ay kula kulmi lahaayeen degmooyinkaa.

Waxaa kale oo nasoo gaadhaya degmooyinka qaar in calanka Jabhadda laysku dayay in la dejiyo markaasna ay ka timid cadho & diidmo cad oo ay shacabku kaga jawaabeen ayaga oo ka xumaaday in hor istaag lagu sameeyo marxaladdan la marayo xoriyadda xubnaha shacabka iyo ururka.

Maha dalka oo idil inay ka jirto arintaa, waxaase jira shaqsiyaad magaca dawladda Degaanka huwan oo ka mid ah hadhaagii maamulkii Cabdi Iley oo si cad uga hor imanaya heshiisyadii dhexmaray Ururka ONLF & Dawladda Federaalka Itoobiya iyo heshiiskii ONLF iyo Dawald Deegaanka Somalida, kuwaas oo si cad u qeexaya in ay ONLF si xor ah dhaq-dhaqaaqooda siyaasiga ah uga hergalin karaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Sidaas darteed waxaan ka digaynaa in falalka noocaas ahi ay keeni karaan rabshado aan loo baahnayn. Waxaan ka codsanaynaa inuu maamulku ka hortago talaabooyinka nocaasoo kale ah, shaqsiyaadka wadana lagala xisaabtamaan.

Ururka ONLF wuxuu markasta ilaalinayaa xasiloonida iyo nabadgalayada gobolka, wuxuuna ka hortagayaa falkasta oo amini daro keeni kara bulshadana xasuusin kara caqabadihii foosha xumaa ee la soo maray.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay