Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo ayaa cambaareeyay war sheegaya in hay`adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ay bilowday baaritaan ku aaddan in madaxweyne Trump uu si qarsoodi ah ugu shaqeeyo Ruushka iyo in kale.

Saraakiisha sharci-dejinta ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Trump bishii May, sanadkii 2017, kaddib markii uu shaqada ka caydhiyay agaasimihii FBI-da, James Comey. Baaritaanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray in Trump uu khatar ku yahay ammaanka Mareykanka.

Sanadkii 2016, hay`adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu waday weerarro dhanka internetka ah, isla markaana uu warar been abuur ah ku qorayay baraha bulshada si uu u taageero Ruushka, isla markaana uu u dhaawaco sharafta haweeneydii Trump kula tartameysay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, Hillary Clinton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay