Askari ka tirsan ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala. Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday shalay salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM,.

Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay saxaafada u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen. Maamulka Puntland ayaanan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinkan ay saacaduhu uun u dhexeeyeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay