29/4/12  Waxay Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogadenya weerar habeenimo ku qaadeen mid ka mid  ah xeryahay cadawgu ka dagan  yahay maagalada Qabri-dahar, waxaana halkaas lagu gaadhsiiyay khaasare balaadhan oo  dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkan oo ahaa mid lagu bartilmaameed-sanayay goob cayiman ayaa lagu guulaystay ujeedadii laga lahaa. Faahfaahinta weerarkan iyo dhibaatada xoogan ee cadawga lagu gaadhsiiyay ayaan soo ogaan doonaa inkastoo uu cadawga jabkiisa qarsanayo.  

Dagaalkan ayaa waxa uu qayb ka ahaa dagaaladii maalmihii u danbeeyay ay Naftood-hurayaasha ku bartilmaameed-sanayeen goobaha ay ciidamada cadawga ka dagan yihiin magaalooyinka waawayn.

Sidoo kale 27/4/12  waxa dagaalkan oo kale uu ka dhacay xerada cadawgu uu ka degan yahay ceelka Bulaale, kaasoo uu cadawga ka soo gaadhay khasaare kala duwan.

CWXO ee dagaalka hubaysan  kula jira ciidanka cadawga ku soo duulay dalka Ogaadeenya  ayaa kamiin ay ka galeen  28/4/12 wadada isku xidha Goday  iyo Qabri-dahar gaar ahaan aaga Dalaad waxay halkaa  ku gubeen hal baabuur iyo dhamaan ciidankii saraa, Waxaa kaloo uu ka soo gaadhay khasaare lixaad leh  ciidamo gurmad ahaa oo soo gaadhay goobta  kamiinka loogu dhigay cadawga, waxaana la xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawac badan loo gaystay.

23/4/12  dagaal ka dhacay  Shinbira-Juujuu  oo ka tirsan deegaanka  Gari,go,an  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari, tira kalana waa lagaga dhaawacay.

24/4/ 12  khilaaf ka dhex dhacay ciidanka cadawga ee degan  Garigo’an ayaa lagu dilay taliyihii  ciidankaas oo magaciisa lagu sheegay ina Tuurtuur. Khilaafkan oo ahaa mid mudo socday oo sababay in ay baxsadaan ciidan badan oo ka tirsan kuwa cadawga ayaa waxa  la sheegaayaa in ay  ku diidanyihiin joogitaanka  ay joogaan  ciidanka cadawgu  degmada Gari,go,an iyo dagaalka aan joogsiga lahayn ee kaga imaanaya ciidanka jabhadda.

Ugu danbayntii  waxaa jira dagaal hore  oo aan ku sheegnay in 23/4/ 12  baabuur lagu gubay Sagalada oo ka tirsann Qabri-bayax. Hadaba waxaan  akhristayaasha ka raali galinaynaa in arin farsamo uu u khaldamay gobolka, waxaana weeye goobta dagaalku ka dhacay Sagalada oo  ka tirsan  degmada Qabri–dahar ee gobolka Qoraxay.

ONA.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay