Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in jidka isku xidha Dekada wayn ee Dalka Jabuuti & Itoobiya uu maalintii labaad xidhan yahay.

Warkan ayaa intaas ku daraya in shacabka gadoodsan oo u dhashay qawmiyada canfarta ay xidheen jidkan oo halbawle u aha dhaqaalaha Itoobiya. Waxaa safaf dhaadeer ugu jira gawaadhi xamuul kala duwan sida oo u kala gooshi lahayd labada dhinac balse jidkii laga xidhay.

Sida ay kusoo waramayaan dadka arimaha Itoobiya ka faalooda, shacabkan gadoodsan ayaa ka cabanaya xiisada ka taagan deegaanada Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah kooxdii TPLF ay ugu wareejisay ismaamulka Canfarta. Soomaalida la dulmiyay ayaa indhawaala ahba waday cabashooyin ay ku diidan yihiin dulmigii loo gaystay.

Xiisadan kasoo korodhay jidkan la xidhay iyo gaadiidkan xaniban ayaa dhaawac balaadhan u gaysan doonta dhaqaalaha Itoobiya oo markiisii horaba aan tabar iyo taag toona lahayn.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay