Mas’uuliyiinta dalka Kenya waxay sheegeen inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi

Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof. Dawlada Kenya waxay sheegtay in la dilay dhammaan raggii weerarka ku qaaday dhismaha hoteelka.

Dhinaca kale ha’yadda laanqeyrta cas ayaa waxay sheegtay in 14 qof ay weli maqan yihiin, ku waas oo aan la haynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dad aad u badan ayaa weerarkan ku waxyeeloobay. Xaalada guud ee magaalada Nairobi ayaa caadi kusoo noqotay kadib weerarkan naxdinta badnaa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay