Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda ISIS (Daacish) ka fulisay waqooyiga dalka Suuriya, sida ay sheegeen taliska militariga Maraykanku.

Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa isku qarxiyay meel u dhaw bar kontrool ah oo ay militariga Mareykanka ku leeyihiin magaalada Manbij oo ay heystaan dagaalyahanka Kurdiyiinta.

Weerarkan wuxuu gaar ahaan ka dhacay Huteel ay kulan ku yeelanayeen Golaha Militariga magaalada Manbij iyo ciidamada Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Labo kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay halka saddex kamid ah ciidamada ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sida ay sheegeen taliska militariga.

Militariga Mareykanka ayaa ku sugan magaalada Manbij si ay taageero ugu fidiyaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo kuwo Carabta ah ee dagaalka kula jiro kooxda IS. Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa laga saaray magaalooyin badan oo ka tirsan bariga Suuriya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay