Wafti balaadhan oo ka socda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa socdaal shaqo ku maraya deegaano kamid ah Gobolka Shabeele.

Waftigan oo socdoolkooda ka bilaabay maanta tuulada lagu magacaabo Daba-Katoor ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay tuuladaas. Waftihgan ayaa booqan doonaana degmooyin ay kamid yihiin Qalaafo, Mustaxiil, iyo Feer-Feer oo dhamaantood katirsan Gobolka Shabeele.

Ujeedka socdaalka waftiga JWXO ayaa waxaa kamid ah in shacabka deegaanadan ku dhaqan ay la wadaagi doonaan warbixino ku qotoma mabaadii’da iyo himilooyinka JWXO isla markaana ay talooyinka iyo afkaarta shacabka ka dhagaysan doonaan. Waxaa kale oo qorshaha waftiga JWXO kamid ah kor u qaadista wacyiga shacabka ee ku qotoma barnaamijka siyaasadeed ee JWXO.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay