Wararka hordhac ah oo ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saddex dhakhtar ay ku dhaawacmeen qarax lagu rakibay baabuur oo shalay galabtii ka dhacay degmada Hodan.

Dhakhaatiirtan ayaa la sheegay in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Suuriya, halka kan kalena uu yahay Soomaali. Qaraxan ayaa laga cabsi qabaa in loogu xidhay baabuurka xilli ay kubbad ku ciyaarayeen meel u dhow shaqadooda oo ah Isbitaalka loo yaqaano Mogadisho City.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lakin sida caadiga waxaa qaraxyo hore oo inta badan ka dhaca guud ahaan Soomaaliya sheegta ururka Al-Shabaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay