Wararka ka imanaya magaalada Dhirdhaba ee dalka Ogadenya ayaa sheegaya in isku dhacyo u dhexeeya qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ay halkaasi ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay.

Kacdoonkan wuxuu u dhexeeyay dhalinyaro ka tirsan labada dhinac, waxaana markii dambe xaaladda dejiyay booliska federaalka iyo booliska maamulka magaalada Dhirdhaba. Shaqaaqooyin badan ayaa dhacay. Hawshan oo ay dabada ka riixayaan Maliishiyaad Oromo ah.

Dad dhawr ah ayaa ku dhaawacmay rabshadaha, waxaana hakad galay isu socodka dadka iyo gaadidka gudaha magaalada. Waxaa hadda deggan xaafado dhowr ah oo ay rabshadaha ka taagnaayeen. Magalaada Dhirdhaba waxaa horraan ka dhacay dagaallo dad badan ay ku dhinteen.

Magaalada Diri-Dhaba ee dalka Ogadenya waxaa ka socday dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro iskudhacyo ay dad ku dhinteen oo marar badan halkaasi ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay