Wararka naga soo gaadhaya Magalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Berekat Simon iyo Tadesse Kassa.

Labadan nin ayaa lagu soo eedeeyay musuq-maasuq iyo boob hanti dadwayne gaar ahaan xiligii ay madaxda ka ahaayeen shirkada Tiret Corporate. Afhayeenka maamulka Amxaarada Zigale Gebeyehu, ayaa sheegay in labadan sargaal oo horay uga tirsanaa Ururka EPRDF kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada lagu maxkamaydn doono Magalada Bahardar ee caasimada Gobolka Amxaarada.

Eedaysaneyaashan oo saaka magalada Addis Ababa laga qabtay ayaa caanka ah guud ahaan Itoobiya gaar ahaan Gobalka Amxaarada waxayna ahaayeen gacanyareyaashii kooxdii TPLF uqaabilsanaa dulaynta iyo boobka shacabka, Amxarada, waxaana saaka loo qaaday Gobolka Amxaarada oo ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan si loogu maxkamadeeyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay