Waxaa magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay soo gaadhay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU ee wadanka Ogadenia mudane Cumar Sooya oo howlo shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah Gobolada dalka.

Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia mudane Cumar Sooya ayaa todobaadadii lasoo dhaafay socdaal howleed ugu maqnaa Gobolada Afdhee iyo Shabeelle, halkaas oo uu kasoo dhisay xafiisyadii ururka OYSU ee Goboladaas.

Gudoomiye Sooya ayaa habeenimadii xalay oo Khamiis ahayd Dhalinta OYSU ee magaalada Qabridahare kulan layeeshay waxayna iska xogwaraysteen meesha uu xaal marayo iyo waxa uqabsoomay Ururka OYSU fariciisa Qabridahare.

Gudoomiye Sooya ayaa warbixin dheer oo dhalinta uu siiyay kadib waxa uu soogudbiyay qorshihiisa cusub ee lagu hormarinayo Ururka Ardayda iyo Dhalinta Soomaalida Ogadenia OYSU ee Ogadenia kahowl gala. Wuxuuna sheegay in dhalinta looga baahan yahay howlo aad ubadan.

Gudoomiye Sooya ayaa baryahan joogi doona magaalada Qabridahare iyo dagmooyinka hoos yimaada halkaas oo uu tayayn doono xafiisyada OYSU ee halkaas kafuran.

Dhalinta OYSU ee magaalada Qabridahare ayaa dhankooda Gudoomiyaha lawadaagay caqabadaha horyaala dhalinta, iyagoo raaciyay sida ay u arkaan in caqabadahaas lagu xalin karo si horay loogu siisocdo.

Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia mudane Cumar Sooya oo Wakaalada Wararka Ogadenia ONA lahadlayay ayaa sheegay in uu socdaal Kumari doono Gobolada kale ee wadanka Ogadenia si uu usoo kormeero howlaha Ururka OYSU ee halkaas kasocda, Isla markaana uu usoo dhiso laamo cusub oo ururku uu yeelanayo.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay